Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Falastiin, Mr. Riad Al Malki oo booqasho shaqo ku yimid Turkiga 9-kii November 2012. Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal ee Turkiga iyo Falastiin. Wasiirada ayaa isku weydaarsaday aragtiyo ku saabsan hanaanka dib u heshiisiinta ee Falastiin, codsiga Falastiin ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale arrimaha gobolka iyo caalamka.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Masar, Mohamed Kamel Amr oo booqasho ku tagey dalka Turkiga, ayaa ka qayb-galay casho-sharaf uu u sameeyey Safiirka Falastiin ee Ankara. Munaasabadda booqashada wasiirka arrimaha dibadda ee Falastiin Al Malki. Wasiirka arrimaha dibadda Davutoglu ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu soo jeediyay olole cusub oo lagu xaqiijinayo in Falastiin ay sare u qaaddo maqaamkeeda oo ay yeelato “dowlad aan xubin ka ahayn kormeerayaasha” ee Qaramada Midoobay intii lagu guda jiray booqashadii Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu ku tagay Turkiga waxayna ahayd lagu heshiiyey in ololaha laga bilaabo Ankara.
"Dhammaan go'aanada ay qaadato Falastiin waxaa taageeri doona dadka iyo dowladda Turkiga" ayuu ku nuux-nuuxsaday Wasiirka Arrimaha Dibadda Davutoglu. Waxa uu sidoo kale intaa ku daray in xitaa Falastiin aysan noqon xubin buuxda oo ka tirsan Qaramada Midoobay marxaladdan, Turkiga wuxuu ku baaqay in kor loo qaado maqaamka Falastiin oo loo dhigo "dal goobjooge ah oo aan xubin ka ahayn". Waxaa intaa dheer, wasiirka arrimaha dibadda Davutoglu ayaa yiri, “Falastiiniyiintu wali ma haystaan xuquuq dawladnimo oo sharci ah. Waa in la bilaabo hannaan cusub” iyadoo la xusuusinayo inay jireen ballan-qaadyo ay Qaramada Midoobay, quwadaha caalamka ee hormuudka ka ah iyo hay’adaha caalamiga ah u fidiyeen Falastiin iyo hindiseyaal lagu xallinayo colaadda.
Wasiirka arrimaha dibadda Mr. Davutoglu ayaa sheegay in rajada laga qabo nabad waarta, barwaaqo, amni iyo horumar gobolka ay sare u kacdo haddii arrinta Falastiin la xaliyo oo la gaaro xal laba dowladood ah.
(Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga)



