Madaxa ciidamada Masar ayaa si toos ah uga soo muuqday telefishinka, isagoo ku dhawaaqay in la laalay dastuurka.
General Abdul Fattah Al-Sisi, oo ay garab taagan yihiin hogaamiyayaasha diinta iyo militariga ayaa sheegay in madaxa cadaalada ee maxkamada dastuuriga ah uu qaadi doono awooda madaxtooyada.
Ku dhawaaqistiisa ayaa la macno ah in madaxweyne Maxamed Mursi aanu hadda xukunka haynin.
Dibad-baxayaasha ka soo horjeeda Maxamed Mursi ee ku sugan fagaaraha Taxriir ee magaalada Qaahira ayaa si weyn u soo dhaweeyay khudbada.
Talaabadan ayaa daba socota afar maalmood oo ay socdeen mudaaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo Mr Morsi, iyo wakhtiga kama dambaysta ah ee ay soo saareen militariga kaas oo dhacay galabnimadii Arbacada.
Lama oga halka uu hadda ku sugan yahay Mr Morsi.
BBC



