Hogaamiyaha Xamaas ee musaafuriska ku maqan Khaled Mashaal ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku tagay Gaza, isagoo dhunkaday dhulka, wuxuuna sheegay inuu rajaynayo inuu maalin uun ku dhiman doono "shahiid" dhulka Falastiin.
Ka dib markii kolonyadiisii todobada baabuur ah ay ka soo gudbeen xuduudka Masar, Mashaal wuu soo baxay oo jilba joogsaday oo dhulka ku taabtay wejiga, isagoo duco mahadnaq ah u jeediyay ka hor inta aanu isku duubin ra'iisal wasaaraha Gaza, Ismail Haniya. Calamada Cagaaran ee Xamaas iyo Calamada Casaanka,Caddaanka,Cagaaran iyo Madaw ee Falastiin ayaa goob walba ku sugnaa si ay u xusaan booqashadan oo ku beegan sanad guuradii 25-aad ee kasoo wareegtay aas aaska ururkan.
Mashaal waxaa weheliyay ku xigeenkiisa, Mussa Abu Marzuk, iyo masuuliyiin kale oo sarsare, oo ay ku jiraan wakiilada xisbiga ay iska soo horjeedaan Xamaas ee Fatah, safar laba toddobaad uun ka dib markii uu dhammaaday iska horimaadkii dhimashada badnaa ee Israel ee ka bilaabmay Nov. 14. Weerar cirka ah oo lagu dilay taliyihii ciidamada Xamaas Axmed Jaabari.
Wax yar ka dib imaatinkiisii, ayaa Mashaal loo qaaday si uu u eego hadhaaga baabuurkii Jaabari ee gubtay, kaas oo loo qaaday Rafah gaar ahaan siyaarada. "Waxaan rajeynayaa inuu Ilaahay iga dhigo mid ku shahiiday dhulka Falastiin ee Gaza," ayuu yidhi.
Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ahaan dhulka ay ku sugan yihiin maleeshiyaad wejiyada soo duubtay oo ka tirsan garabka milateriga ee Xamaas, guutada Ezzedine al-Qassam, kuwaas oo ku sugnaa goobta, iyagoo xiran daal, isla markaana watay qoryaha darandooriga u dhaca ee Kalashnikov, iyagoo gaaf wareegaya waddooyinka ay marayeen kolonyada Mashaal.
Maanta Gaza, berri Jerusalem
Isagoo la hadlayay warfidiyeenka, Mashaal waxa uu sheegay in imaatinkiisa Qasa ay la mid tahay dib-u-dhalasho ka dib dhalashadiisii dabiiciga ahayd ee Daanta Galbeed ee u dhow 1956 iyo ilbiriqsi oo ahayd markii uu si cidhiidhi ah uga soo baxsaday kooxdii dishay Israa’iil 1997-kii. Dhalashada afraad waxay imaan doontaa maalinta aan xoreyno Falastiin,” ayuu yiri Mashaal. Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa tuulo ku taal Daanta Galbeed, laakiin waxa uu musaafuris isaga iyo qoyskiisa la aaday dagaalkii bariga dhexe ee 1967, kaliya waxa uu ku soo laabtay booqasho gaaban 1975. Waxay ahayd booqashadii ugu horeysay abid ee Gaza.
"Maanta waa Gaza. Berrito waxa ay ahaan doontaa Ramallah, wixii ka dambeeyana Jerusalem ka dibna Haifa iyo Jaffa,” ayuu yidhi. Wax yar ka bacdi, kolanyadani waxay u ambabaxeen magaalada Gaza, iyagoo ku socdaalayey waddooyinka lagu qurxiyey calanka Xamaas iyo calammada cas ee Jabhadda caanka ah ee Xoreynta Falastiin (PFLP), oo 11-ka December u dabbaaldegaysa sannad-guuradii 45-aad. Magaalada Gaza, wafdigu waxay ahayd inay booqasho ku tagaan guriga aasaasihii Xamaas Sheekh Axmed Yaasiin, oo ay Israa'iil dishay sannadkii 2004-tii.
Xamaas ayaa u dabaaldageysa sanadguuradiisa rasmiga ah ee 14-ka December, balse dabaal-degga ayaa billaabanaya 8-da Dec, waxaana la filayaa inuu ka hadlo isu soo bax ballaaran oo la filayo in Mashaal uu ka hadlo. Inta lagu guda jiro booqashadiisa afarta maalmood ah, Mashaal waxa uu la kulmi doonaa xubno ka kala socda qeybaha kala duwan ee Falastiiniyiinta iyo sidoo kale dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay iskahorimaadka bishii hore, mas'uuliyiinta Xamaas ayaa sidaas sheegay.
(Qisada asalka ah, fadlan click)
Waxaa soo tebiyay wargeyska Hürriyet Daily News



