Ragga bariga dhexe ayaa si isa soo taraysa ugu sii socda mindida si ay u gaadhaan shaarbo adag oo siinaya muuqaal raganimo iyo caqli badan, CNN ayaa wariyay.
Dhakhtarka balaastigga ah ee Turkiga Selahattin Tulunay ayaa CNN u sheegay in uu samaynayey tiro sii kordhaysa oo qalliinka shaarubaha dhawrkii sano ee la soo dhaafay - qiyaastii 50 ilaa 60 habraac bishii celcelis ahaan.
Inta badan qaliinada, qadar yar oo timo ah ayaa laga soo qaadaa meelaha timaha cufan ee jirka bukaanka waxaana lagu tallaalaa meesha shaarubaha.
Tulunay ayaa yidhi, "Waxay haystaan dad caan ah oo lagu daydo," ayuu yidhi Tulunay, isaga oo u aqoonsaday fannaanka Turkiga ee Ibrahim Tatlıses inuu yahay mid ka mid ah moodooyinka ugu caansan ee lagu sameeyo qalliinka shaarubaha. Tatlıses waxaa lagu yaqaanaa codkiisa gaarka ah iyo shaarubaha madow ee soo jiidashada leh.
Dalxiiska caafimaadka ayaa ku soo badanayay bariga dhexe gaar ahaan Turkiga dhowrkii sano ee la soo dhaafay.
(Qisada asalka ah, fadlan click)
Waxaa soo tebiyay wargeyska Hürriyet Daily News



