Afhayeenka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa walaac ka muujiyay xukunka lagu riday Muslimiinta Uyghur ee ku nool ismaamulka Xinjiang Uyghur ee dalka Shiinaha.
Afhayeenka Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa Arbacadii walaac ka muujiyay xukun lagu riday Muslimiinta Uyghur ee ku nool ismaamulka Xinjiang Uyghur ee dalka Shiinaha.
Afhayeenka Ururka Iskaashiga Islaamka, ayaa bayaan uu soo saaray ku muujiyay sida uu uga walaacsan yahay warbixinta lagu xukumay laba qof oo Muslimiinta Uighur ah xukunno dil ah iyo saddex xadhig ah, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen isku dhacyo la sheegay inay ka dhaceen magaalada Kashgar ee Ismaamulka Xinjiang Uyghur ee Shiinaha 23-kii Abriil.
Mar uu ka hadlayay wadashaqeyn dhow oo dhexmarta OIC iyo dowladda Shiinaha, ayuu mar kale sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto sababaha ka dambeeya dibadbaxyada ama isku dhacyada.
Afhayeenku waxa kale oo uu ku booriyay dawladda Shiinaha inay wax ka qabato sababaha keenay xaaladdan, isla markaana ay ixtiraamto rabitaanka dadka asaliga ah ee ah inay muujiyaan aqoonsigooda dhaqan, diineed iyo anshaxeed, iyada oo aan la carqaladayn.
Waxa uu sidoo kale rajo ka muujiyay in dowladda Shiinaha ay u adeegsan doonto caqligeeda inay dib u eegis ku sameyso suurtagalnimada in racfaan laga qaato go'aanka maxkamadda ayna ku bixiso dadaal dheeri ah oo ku saabsan wadahadal iyo kalsooni abuurista dadka gobolkaas.
Wakaaladda Wararka Anatolia



