Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyay in dilka saddex qof oo u dhaqdhaqaaqa Kurdiyiinta uu ka dhashay khilaaf gudaha ah.
Saddexda haweenka ah ayaa Khamiistii la toogtay iyagoo ku sugan xarunta warfaafinta ee Kurdiyiinta ee magaalada Paris.
Dhibanayaasha waxaa ka mid ahaa Sakine Cansiz - oo ka mid ahayd aasaasaha xisbiga wadani ee xagjirka ah ee Kurdistan Workers' Party, PKK.
Mr Erdogan waxa uu sheegay in cadaymo muujinaya in dhimashada laga yaabo in loola dan lahaa in lagu waxyeeleeyo dadaallada ku aaddan wada-hadallada nabadeed.
Ilaa 40,000 oo qof ayaa ku dhintay dagaalka 25-kii sano ee u dambeeyay u dhaxeeyay dowladda Turkiga iyo kooxda PKK.
'Daandaansi'
Mr Erdogan ayaa sheegay in cadeymo hore ay muujinayaan in haweenka ay albaabada u fureen gacan ku dhiiglayaashii, isla markaana xarunta laga soo xiray gudaha quful u baahan kood.
“Saddexdaas qof ayaa furay. Shaki kuma jiro in aysan u furi doonin dad aysan aqoon,” ayuu yiri, sida laga soo xigtay faallooyinka ay daabacday wakaaladda wararka ee Anatolia ee ay dowladdu maamusho.
Waa markii ugu horeysay oo xubin sidan oo kale ah oo ka tirsan PKK lagu dilo qaarada Yurub. Waxaa jiray heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray PKK iyo dowladda Turkiga oo ahaa in aan weerar noocaasi oo kale ah lagu qaadi karin xubnaha sarsare ee PKK iyo madaxda sare ee dowladda.
Intii lagu guda jiray 1980-meeyadii, waxaa jiray weeraro la rumeysan yahay in laga soo maleegay gudaha dalka Turkiga oo lala beegsaday xubno ka tirsan kooxda mintidka ah ee Armenian Asala, balse ma aysan dhicin dilal siyaasadeed oo lala beegsaday PKK.
Dilalka Paris ayaa ka soo horjeeda wada hadal cusub oo nabadeed oo u dhexeeya hogaamiyaha PKK ee xabsiga loo taxaabay, Abdullah Ocalan iyo dowladda Turkiga. Wadahadalladaasi ma ahayn kuwa fudud oo waxay leeyihiin mucaarad labada dhinac ah.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in wareeggii hore ee wada-hadallada nabadeed uu meesha ka saaray isku dhac dhexmaray askarta Turkiga iyo kooxda PKK bishii June 2011-kii.
Dilalka Khamiista ayaa ka dhigi doona wada-xaajoodyada hadda socda mid aad u adag, iyada oo aan loo eegin cidda ka dambeysa weerarka.
Waxa uu horay u sheegay in dhacdadan ay noqon karto “daandaansi” ka imaanaya qeybo ka mid ah PKK oo ka soo horjeeda wadahadal u dhexeeya dowladda iyo hoggaamiyaha kooxda la xiray, Abdullah Ocalan, oo looga gol leeyahay in lagu qanciyo PKK in hubka laga dhigo.
Faransiiska ayaa ballan qaaday inuu si buuxda u baarayo "ficillada aan loo dulqaadan karin". Wasiirka arrimaha gudaha Manuel Valls ayaa sheegay in dilkan uu “hubaal yahay dil” wuxuuna madaxweyne Francois Hollande ku tilmaamay “mid laga naxo”.
Weriyaha BBC-da ee dalka Turkiga, James Reynolds, ayaa sheegay in dadka u ololeeya Kurdiyiinta ay rumeysan yihiin in dilka ay fuliyeen ciidamada dowladda Turkiga oo la doonayo in lagu carqaladeeyo wadahadallada.
Wariyaheena ayaa sheegaya in dad badan oo ku nool Turkiga ay aaminsan yihiin in ay jirto waxa loogu yeero "dawlad qoto dheer" - aasaas qaran oo awood leh kaas oo doonaya in uu wiiqo shaqada dawladaha dimoqraadiga ah iyo dhaqdhaqaaqayaasha.
Saddexda haween ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay gudaha xarunta macluumaadka galabnimadii Arbacada. Ka dib, xubin ka tirsan bulshada Kurdiyiinta ayaa isku dayay inuu booqdo xarunta laakiin wuxuu arkay albaabada oo xiran.
Meydadka saddexda haweenka ah ayaa la helay saacadihii hore ee subaxnimadii Khamiista. Sida laga soo xigtay warbaahinta Faransiiska ayaa laga toogtay madaxa ama qoorta.
Mid ka mid ah waxaa ka mid ahaa Sakine Cansiz, oo lagu xiray laguna jirdilay Turkiga 1980-meeyadii, waxayna aad ugu dhawaa Ocalan.

Haweeney labaad ayaa magaceeda lagu sheegay Fidan Dogan, oo 32 jir ah, kana shaqeysay xarunta warfaafinta. Waxay sidoo kale ahayd wakiilka Paris ee Congress-ka Qaranka Kurdistan ee fadhigiisu yahay Brussels.
Midda saddexaad, oo lagu magacaabo Leyla Soylemez, waxay ahayd dhaqdhaqaaq dhallinyaro ah.
PKK ayaa hubka qaadatay 1984-kii, waxayna dalbanayeen in Kurdiyiinta Turkiga ay helaan madax-bannaani ballaaran, kuwaasoo loo maleynayo inay ka kooban yihiin 20% dadweynaha.
Waxa ay Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub u arkaan urur argagixiso, sababtoo ah weerarrada ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee Turkiga iyo dadka rayidka ah.
Sannadkii 2012-kii waxa ay kordhisay weerarradeeda, taas oo horseeday dagaalladii ugu qaraaraa ee tobanaan sano ah, balse rabshaduhu way yaraayeen bilihii la soo dhaafay.
BBC



