Reuters
Shirkadda Hattat Holding ee dalka Turkiga ayaa joojisay qorshe ay si wadajir ah u soo saari lahaayeen baabuur ay la socdeen shirkadda Khodro ee dalka Iran, sababo la xiriira xiisadda caalamiga ah ee dhawaan kala dhexeysa jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo tallaabo cusub oo ay qaaday shirkadda Tofas ee Turkiga si ay u bilowdo daraasado lagu naqshadeynayo baabuurta gudaha.
Hadda waanu xayirnay maalgashigan, laakiin ma odhan karo gebi ahaanba waanu joojinay. Waxaan si dhow ula soconaa horumarka gobolka iyo horumarka Turkiga ee ku saabsan baabuurta gudaha. Ma aanan jarin cilaaqaadkii aan la leenahay Iran, waxaana wali la kulmaynaa laba ilaa saddex jeer bishii,” ayuu yidhi Ibraahim Hattat, oo maamula kooxda baabuurta ee Hattat Holding.


