Madaxtooyadu waxay iska dhega tirtay sheegashooyinka ka soo baxay wargays ka soo baxa Turkiga Arbacadii oo ahaa in madaxweyne Abdullah Gül la dhigay cusbitaal sababo la xidhiidha sun.
"Sheekooyinka tilmaamaya xaaladda caafimaad ee madaxweynaha gabi ahaanba waa kuwo aan sal iyo raad lahayn," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada.
Gül ayaa isbitaal la dhigay Agoosto 23 sababtoo ah dhibaato dhegta oo soo noqnoqotay. Waxa uu soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay Kyrgyzstan oo uu kaga qeyb galayay Shir Madaxeedka Labaad ee Golaha Iskaashiga ee Dowladaha ku hadla Afka Turkiga (CCTS) ee ka dhacay magaalada Bishkek, booqashadii uu billaabay Arbacadii la soo dhaafay.



