Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa khamiistii la kulmay madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Joe Biden ka hor inta uusan bilaaban shirka amniga Nukliyeerka. Laakin salaanta diiran ayaa waxaa mugdi galiyay mowqifka Mareykanka ee PKK Syrian Democratic Union Party (PYD), oo Washington ay u aragto xulufo la dagaalanka DAESH. Kulanka, ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Tony Blinken, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Arrimaha Yurub iyo Eurasian Victoria Nuland iyo Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Gaarka ah ee Isbaheysiga Caalamiga ah ee ka hortagga DAESH Brett H. McGurk ee dhinaca Maraykanka iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlüt Çavuşoğlu. Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Feridun Sinirlioğlu, Hay'adda Sirdoonka Qaranka (MİT) Madaxa Hay'adda Hakan Fidan iyo afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalın oo ku sugan dhinaca Turkiga.
Kulanka ayaa ka dhacay Hotelka St. Regis oo uu degan yahay Erdogaan. Ka soo qayb galka McGurk oo kulankii hore ee uu la yeeshay saraakiisha PYD oo uu ku jiro xubin hore uga tirsanaan jiray PKK ayaa dhaleecayn weyn kala kulmay Turkiga, waxaana loo arkayay in ururka PYD uu noqon doono mid looga hadlayo kulanka. Saraakiisha Turkiga oo ka hadlay kulanka ka hor ayaa sheegay in Turkiga uu u arko PYD iyo Unuggeeda Hubeysan ee Difaaca Dadka (YPG) kaliya ma ahan inay xiriir la leeyihiin ururka argagixisada ah ee PKK, laakiin sidoo kale waxay u arkaan inay wakiil ka yihiin xulafada Ruushka iyo Asad. Waxa ay carabka ku adkeeyeen in Ankara ay walaac weyn ka qabto kooxaha doonaya in ay ka abuuraan ismaamul gobal ah oo ku teedsan xuduudka Turkiga ee Suuriya. Saraakiisha ayaa sidoo kale muujiyay sida Turkiga uu uga xun yahay mowqifka aan waxba iska bedelin ee Mareykanka ee ku aadan PYD.
Wararka ayaa sheegaya in kulanka wafdiga uu socday muddo saacada ah, waxaana labada mas’uul ay is dhaafsadeen muddo 30-daqiiqo ah oo gaar ah. Edogan ayaa markii dambe la filayey inuu ka qeyb galo casho uu madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ku soo dhoweynayey madaxda caalamka ee isugu soo baxaysa shirka amniga Nukliyeerka.
Kalın oo kulanka kadib hadlay ayaa sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay in Suuriya ay hal qeyb ku sii ahaato, ayna kasoo horjeedaan ku dhawaaqista ururka PYD ee Federaalka. Waxa uu sidoo kale sheegay Biden in uu ballan qaaday in uu kordhin doono iskaashiga ka dhanka ah PKK ee kala dhaxeeya Turkiga.
Arbacadii, Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale kulan laba geesood ah kula yeeshay safaaradda Turkiga ee Washington Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry. Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinac waxa ay ka wadahadleen xiriirka Turkiga iyo Mareykanka, waxa ayna isla soo qaadeen halista argagixisada caalamka iyo dhibaatada qaxootiga. Wasiirka arrimaha dibadda Çavuşoğlu ayaa sidoo kale ka qeyb galay kulanka oo qaatay ku dhawaad 45 daqiiqo.
Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa koofurta aaday ka dib hadal ka soo baxay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, John Kirby horraantii bishii Febraayo, kaasoo ahaa in Mareykanku uusan u aqoonsan kooxda PKK ee Suuriya ee taabacsan PYD iyo unuggeeda difaaca dadka (YPG) inay yihiin urur argagixiso. Hadalka Kirby ayaa jawaab u ahaa amarkii madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ee Washington inuu u doorto Turkiga ama PYD mid ka mid ah xulafadiisa. In kasta oo Ankara ay marar badan uga digtay Maraykanka iyo Yurub in aanay jiri karin wax argagixiso ah oo wanaagsan ama xun, iyada oo farta ku fiiqaysa YPG, Maraykanku wuu iska indhatiray baaqii u dambeeyay ee Erdoğan oo wuxuu u aqoonsaday YPG inay yihiin "la-hawlgalayaashooda."
"Kurdida Suuriya waa shuraakadayada ka dhanka ah DAESH," ayuu yiri Kirby, isaga oo hurinaya holaca u dhexeeya Ankara iyo Washington. Ugu dambeyntii Erdogan ee Washington ayaa timid maalmo ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Brack Obama ergeyga gaarka ah ee madaxweynanimada ee Isbaheysiga Caalamiga ah ee ka hortagga DAESH, Brett McGurk, uu booqasho ku tagay Kobani oo ay maamusho PYD ayna wada hadal la yeesheen.



