Gul ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay guddoomiyaha gobolka Sanlurfa.
Madaxweynaha Turkiga Abdullah Gul ayaa taleefoon kula xiriiray gudoomiyaha gobolka koonfurta bari ee Sanliurfa, Celalettin Guvenc kadib markii madaafiicda Suuriya ay ku soo dhaceen magaalada Akcakale ay ku dhinteen ugu yaraan 5 ayna ku dhaawacmeen 13 qof.
Sida laga soo xigtay madaxtooyadda Turkiga, Gul waxa uu xog ku saabsan dhacdadii Akcakale ee Arbacadii ka helay Guddoomiye Guvenc.
(Wakaaladda Wararka Anatolia)


