Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay in kuwii dulmiga iska caabiyay ay garab taagan yihiin Turkiga.
Isagoo u hadlayay baarlamaanka Axaddii oo ku saabsanayd miisaaniyadda wasaaraddiisa ee 2013, Davutoglu wuxuu sheegay inuu filayo in Kurdiyiinta Suuriya ay la saftaan mucaaradka Suuriya oo ay iska caabiyaan dulmiga.
Davutoglu ayaa ugu baaqay Kurdiyiinta Suuriya inay garab istaagaan mucaaradka Suuriya oo ay la dagaalamaan dulmiga. Waxa uu yidhi “Kurdiyiinta Suuriya, Carabta Suuriya, Turkmeniyiinta Suuriya, cid kasta oo dulmi u taagan ayaa nala garab taagan. Kuwa daalimiinta ah ee la shaqeeya, la shaqeeya nidaamka Asad ayaa naga soo horjeeda.”
"Waan garab istaagi doonnaa dadka reer Falastiin," ayuu yiri Davutoglu oo ka jawaabaya dhaleeceynta mucaaradka ugu weyn ee la xiriirta booqashada Davutoglu ee Gaza.
Davutoglu waxa kale oo uu taabtay is-bedelka bulshada Carabta, waxaanu yidhi, “Waxa aanu garab istaagi doonaa rabitaanka dadkan. Dabeecaddeennu waa caddahay; Ka daba ordi mayno taariikhda, waanu fahmi doonaa socodka taariikhda, waana maamuli doonaa”.
Isagoo ka hadlayay soo daabulida Patriots, wuxuu sheegay in nidaamka difaaca gantaalaha Patriot aysan ahayn mid joogto ah, marka laga saaro halista gantaalaha, dib loo celin doono.
(Qisada asalka ah, fadlan click)
Waxaa wariyay wakaaladda Anatolia


