Ku dhawaad 400 oo qof ayaa lagu soo qabtay howlgalo ballaaran oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen magaalada Kismaayo, sida ay BBC-da u sheegeen saraakiil halkaasi ku sugan.
Ciidamada Midowga Afrika, kuwa Soomaaliya iyo maleeshiyaad taabacsan dowladda ayaa bishii hore la wareegay gacan ku heynta dekedda istiraatiijiga ah oo ay kala wareegeen maleeshiyada Al-Qaacidda.
Afhayeen u hadlay maleeshiyada ayaa BBC-da u sheegay in dadka la xiray la rumeysan yahay inay taageersan yihiin kooxda Islaamiga ah ee Al-Shabaab.
Tan iyo markii Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada waxaa si joogto ah uga dhacayay qaraxyo.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Talaadadii, afar qof oo rayid ah ayaa lagu dilay kadib markii bam uu ku qarxay bartamaha magaalada bannaanka hore ee maqaayad.
Abidnasir Seeraar oo ah Afhayeenka Maleeshiyada Raas-kambooni oo la hadlay Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa sheegay in howlgalku uu bilowday aroornimadii hore ee saakay.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in magaalada inteeda badan ay ku jirtay mid xiran.
Waxaa la xiray Suuqyada iyo Iskuulada, iyadoo ciidamada ay ku guda jireen howlgalo ay ku baadigoobayaan dadka ay ku tuhmayaan inay Shabaabka taageeraan.
Nolosha magaalada ayaa ah mid aad halis u ah, waxaana ku dhintay in ka badan 20 qof oo rayid ah tan iyo markii Kismaayo laga qabsaday weeraro iyo qaraxyo kala duwan.
Al-shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay isaga baxay dhowr magaalo oo muhiim ah, balse wali waxay maamulaan inta badan dhulka baadiyaha ah.
Tan iyo markii la afgambiyay Madaxweyne Siyaad Barre sanadkii 1991-kii, Soomaaliya waxaa ka dhacayay dagaal oogayaal qaab beeleed u abaabulan, Islaamiyiin iyo deriskeeda oo dhamaantood u dagaalamaya sidii ay xukunka u qabsan lahaayeen.
(BBC News)



