Bakir Izetbegovic oo ah xubin ka tirsan madaxtooyadda Bosnia iyo Herzegovina ayaa sheegay in Turkiga uu gaaray heerkii uu u qalmi lahaa.
Bakir Izetbegovic oo ah xubin ka tirsan madaxtooyadda Bosnia iyo Herzegovina ayaa sheegay in Turkiga uu gaaray heerkii uu u qalmi lahaa.
Izetbegovic waxa marti galiyay Hay'adda Anadolu Agency (AA) Miiska Tifaftirka iyada oo loo sii marayo shir muuqaal ah Arbacadii.
Isagoo ka jawaabayay su’aal ahayd siyaasadda Turkiga ee la xiriirta Bosnia & Herzegovina iyo Balkans-ka, wuxuu sheegay in Turkiga uu kaalin caalami ah ku leeyahay gobolka, waddankuna uu isu beddelayo quwad caalami ah oo dhaqaale, siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.
Turkigu waxa uu gaadhay heerkii uu mudnaa, taasina waxay ahayd horumar wanaagsan oo heer gobol iyo mid caalami ah, ayuu yidhi.
Guddoomiyaha guddiga fulinta AA ahna agaasimaha guud Kemal Ozturk ayaa sheegay in Izetbegovic uu meel gaar ah u lahaa dadka Turkiga, isagoo sheegay in Turkiga uu aad u daneynayo.
( Sheekada asalka ah http://www.aa.com.tr/en/headline/100470-turkey-reaches-point-it-deserves)
Waxaa wariyay wakaaladda Anatolia



