Ibrahim Kalın, oo ah la taliyaha sare ee Ra’iisul Wasaare Tayyip Erdogan, ayaa maanta bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Turkigu aanu wax dan ah ka lahayn dagaal uu la galo Suuriya, balse uu ilaalin doono xuduudihiisa. Wuxuu sheegay in hindisayaasha siyaasadeed iyo kuwa diblomaasiyadeed ay sii socon doonaan.
"Turkiga wax dan ah kama laha dagaal lala galo Suuriya. Laakiin Turkigu waxa uu awood u leeyahay inuu ilaaliyo xuduudihiisa, wuuna ka aargudan doonaa marka loo baahdo,” Kalın ayaa ku soo qoray Twitter. “Turkigu wuu ka aarguday dhacdadii shalay isagoon ku dhawaaqin dagaal ka dhan ah Suuriya. Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, diblomaasiyadeed way sii socon doonaan."
Baarlamaanka Turkiga ayaa ka doodayay hindise sharciyeedka ogolaanaya in militariga ay bilaabaan howlgalada xudduudaha ee Suuriya, halka Turkiga uu dib u bilaabay duqeymaha madaafiicda ee bartilmaameedyada Suuriya ee ku dhow xadka.
Dhanka kale, magaalada ayaa aamusnayd kaddib qaraxii shalay, sida la sheegay sarkaal.
“Shan qof ayaa dhimatay halka toban kalena ay ku dhaawacmeen. Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa la aasay. Gobolku hadda wuu aamusan yahay. Ma jiraan wax dhib ah oo ka jira bartamaha magaalada ama teendhooyinka dhexdooda. Dadkii ku dhaawacmay ayaa lagu dabiibayaa. Sidoo kale teendho tacsi ah ayaa la dhigay. Hadda, ma jirto tallaabo milateri,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan xafiiska guddoomiyaha gobolka Şanlıurfa.
(Hürriyet Daily News)


