Ergayga Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta u qaabilsan Suuriya, Lakhdar Brahimi, ayaa lagu wadaa in uu wadahadallo ku yeesho dalka Turkiga, iyadoo ay sii kordheyso xiisadda u dhaxeysa Ankara iyo Dimishiq.
Mr Brahimi waxa uu aragtida Turkiga ee xiisadda kacsan ka maqli doona wasiirka arrimaha dibadda Ahmet Davutoglu.
Dhawr maalmood oo rasaas ah oo ka dhacaysay xuduudka ayaa daba socotay dilkii shan qof oo rayid ah oo Turki ah oo ay duqaymaha Suuriya ku dileen toddobaadkii hore.
Horaantii todobaadkan, Turkigu waxa uu qabtay diyaarad ku sii jeeday Suuriya iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in ay saarnaayeen qalab difaac oo Ruushku sameeyay.
Suuriya ayaa ku gacan seyrtay sheegashadaas oo ay been abuur tahay, iyadoo Turkiga ku xujeysay inuu muujiyo wax cadeymo ah.
Iyo Suuriya lafteeda, dhaqdhaqaaqayaasha ayaa sheegay Jimcihii in dagaalyahannada fallaagada ay qabsadeen saldhigga difaaca cirka ee dawladda oo u dhow magaalada ay kacsan tahay ee waqooyi-galbeed ee Xalab.
Sheegashada si madax banaan looma xaqiijin.
'Ma jiro qorshe cad'
Mr Brahimi ayaa lagu wadaa in uu Mr Davutoglu kula kulmo Istanbul gelinka dambe ee Sabtida. Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Guido Westerwelle, ayaa sidoo kale wadahadal la yeelan doona dhiggiisa Turkiga.
"Bilow xigasho
Waxaa la joogaa waqtigii la tixgelin lahaa isbedel qaab dhismeedka hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay”
Recep Tayyip Erdogan Ra'iisul Wasaaraha Turkiga
"Waa muhiim in qofna uusan saliid ku shubin dabka. Waxaan ku xisaabtameynaa dhexdhexaadin iyo hoos u dhac," ayuu yiri wasiirka Jarmalka, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.
Turkiga ayaa laga yaabaa in aanu dagaal kula jirin Suuriya, balse hadda waxa uu ku lug leeyahay colaadda deriskooda, sida uu ku warramay weriyaha BBC ee Turkiga James Reynolds.
Dowladda Bashaar Al-Asad ayaa ku eedeysay Turkiga oo ay wehliyaan Sacuudiga iyo Qatar inay hubeeyaan mucaaradka.
Si kastaba ha ahaatee, Suuriya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dhisto guddi isku dhaf ah oo ilaaliya ammaanka xuduudda.
Wasaaradeeda arrimaha dibadda ayaa sheegtay in ay kala hadlaysay dublamaasiyiin ka socda Ruushka, oo ah xulafada muhiimka ah, fikradda guddiga amniga Suuriya iyo Turkiga si looga fogaado isfaham la'aanta ka jirta xadka, kaas oo dhisi doona "habka ilaalinta xuduudaha iyada oo la ixtiraamayo madaxbannaanida qaranka".
'Khatar' ka dib

Booqashada Mr Brahimi ayaa ku soo beegantay maalin kadib markii uu magaalada Jeddah kula kulmay madax sare oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sacuudiga Amiir C/casiis Bin Cabdalla ayaa laga soo xigtay isagoo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dhiigga dadka Suuriya.
Si kastaba ha ahaatee, socdaalka ergayga ee gobolka ma lahan qorshe nabadeed oo muuqda, ayuu weriyahayagu leeyahay.
Waxa uu intaa ku daray in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uu soo jeediyay Mr Brahimi in laga yaabo inuu aado Dimishiq toddobaadka soo socda, haddii kulammada uu gobolka si wanaagsan u socdo.
Laakin mar uu hadlayay Sabtidii, Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku dhaliilay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in aanay waxba ka qabanayn colaadda Suuriya.
"Haddii aan arrinta u dhaafno codka hal ama laba xubnood oo ka mid ah shanta joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, markaas wixii ka dambeeyay Suuriya waxay noqon doontaa mid aad khatar u ah, bini'aadamkuna waxay taariikhda ku qori doonaan hadalo aan la ilaawi karin," ayuu yidhi.
"Waxaa la joogaa waqtigii la tixgelin lahaa isbeddel qaab dhismeedka hay'adaha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay."
(BBC News)


