Dimuqraadiyad lama bixiyo ee waa la qaataa. Waxaad u baahan tahay inaad u dagaalanto.
Codbixintu waa mid ka mid ah xuquuqaha aasaasiga ah ee dhammaan dimoqraadiyada. Maamulada siyaasadda waxaa ku waajib ah in ay helaan xal u baneynaya kuwa doonaya in ay adeegsadaan xuquuqdooda dimuqraadiga ah ee codbixinta.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan oo shacabka la hadlayay wareysi uu Arbacadii shalay ku daabacay shabakadda ay dowladdu maamusho ee TRT ayaa yiri: “Caqabad kasta oo ay hortiinna ku sameeyaan, waa in aad tagtaan oo aad codkiina ku dhiibtaan taariikhaha la idinku dhawaaqay in aad ka qaybqaadataan. doorashooyinka.”
Madaxweynaha ayaa kula dar daarmay muwaadiniinta Turkiga ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka faa’ideystaan xuquuqdooda dimuquraadiyadeed, kana qeyb qaataan aftida soo socota, inkastoo caqabado la horgeyn doono jidkooda.



