Ra'iisul wasaaraha Turkiga oo la hadlay wargayska Politiken ee dalka Denmark, kana hadlay xiisadda Suuriya.
"Waxaan aragnaa masiibo bini'aadan ah oo indhaheenna ka socota gudaha Suuriya. Talisku wuxuu sii wadaa xasuuqa aan loo meel dayin ee uu ku hayo shacabkiisa oo ay ku jiraan haween iyo caruur. Ma jiro waddan sheeganaya inuu u hoggaansamo qiyamka caalamiga ah oo indhaha ka qarsan kara rabshadaha lagu bar-tilmaameedsanayo dadka Suuriya,” ayuu Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan u sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Politiken oo wareysi gaar ah siiyay 19-kii March.
Erdogan ayaa Arbacada booqasho rasmi ah ku tagaya dalka Denmark, waxaana la filayaa inuu ka wada hadlo arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xasaradaha ka taagan dalka Suuriya, ku biiritaanka Turkiga ee Midowga Yurub iyo xiriirka labada dal.
Waxa laga yaabaa in loo tixgeliyo wax caadi ah, ilaa heer go'an, in jilayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ahi ay fikrado kala duwan ka qabaan horumarka Suuriya. Laakiin waa dadka Suuriyaanka ah ee dhibban ee ka dhashay iska indho tirka beesha caalamka, gaar ahaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, xasuuqa iyo taageerada ay dadka qaar u fidiyeen nidaamka Asad,” ayuu yidhi Erdogan oo u warramayay wargeyska Daily Denishka ka soo baxa oo wax laga weydiiyey cawaaqibka ka dhalan kara. Taageerada joogtada ah ee Iran ay siiso Madaxweyne Assad oo ay weheliso taageerada xooggan ee Ruushka, iyo diidmada Maraykanka ee keenista hubka culus oo ay xoogaga mucaaradka Suuriya si ba’an ugu baahan yihiin inay soo afjaraan ismari waaga dagaalka sokeeye ee galaaftay nolosha in ka badan 70,000 oo qof laguna qasbay malaayiin kale si ay gabaad uga raadsadaan wadamada deriska ah.
Erdogan ayaa sheegay in colaadda labada sano ka socotay Suuriya aysan ahayn oo kaliya in lagu xasuuqo dad rayid ah oo aan waxba galabsan balse ay sidoo kale khatar weyn ku tahay nabadda iyo ammaanka gobolka.
"Dhibaatada culus ee labadan sano waxay ka badan tahay 70,000 oo dhimasho ah, boqolaal kun oo dhaawac ah, 1.5 milyan oo qaxooti ah oo 300,000 ka mid ah ay martigelinayaan Turkiga iyo ku dhawaad 3 milyan oo qof oo barokacay."
Mar la weydiiyay ilaa iyo inta uu aaminsan yahay in Assad uu sii hayn karo xukunka, Erdogan wuxuu sheegay inay ku xiran tahay horumarka Suuriya.
Si kastaba ha ahaatee, hal shay ayaa cad: Nidaamka Asad ma jiro akhlaaq ahaan, sharci ahaan iyo siyaasad ahaan. In ay u adeegsadaan argagixisanimo iyo rabshado si ay u ilaashadaan jiritaankooda dhabta ah waa tilmaan cad oo muujinaysa xaqiiqadan,” ayuu yidhi.
Dalabka Midowga Yurub
Mar wax laga weydiiyey in xubinnimada Midowga Yurub ay weli mudnaanta siineyso Turkiga, Erdogan waxa uu sheegay in ku biirista Midowga Yurub ay tahay hadaf istaraatiiji ah, sababtoo ah waxaan aaminsanahay inay jiri doonaan fursado cusub oo labada dhinac ah oo aan xubin ka nahay Midowga Yurub. Qaab-dhismeedkan, waxaan u tixgelineynaa xiriirka aan la leenahay Midowga Yurub inuu yahay xaalad-guud, waxaana hiigsaneynaa inaan sii horumarinno xiriirkan."
Xaqiiqda ah in Faransiisku uu dhawaan kor u qaaday xannibaadda cutubka 22 waa tallaabo wanaagsan. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan sidoo kale sheego in tani aysan ku filneyn; waxaan filaynaa in wadahadaladii ku biiritaanka ee hakad galay 2dii sano ee u dambeeyay in dib loo soo nooleeyo waxaana aaminsanahay in la qaado tillaabooyin is kaaba ah si loo gaaro horumar laga gaaro xubinimadeena Midowga Yurub taasoo faa'iido u leh labada dhinac.
"Haddii ay jirto rabitaan siyaasadeed oo EU ah, markaa waddankeenu wuxuu awood u leeyahay inuu si degdeg ah u furo cutubyada dhaqaalaha, siyaasadda lacagta, waxbarashada, dhaqanka iyo tamarta iyo sidoo kale dhammaan kuwa kale ee gorgortanka. Qiyaastayada, waxaa suurtagal ah in si farsamo ahaan loo furo 10 cutub 12 bilood iyo 15 cutub 18 bilood gudahood," ayuu yiri Erdogan.
Wakaaladda Wararka Anatolia



